Home arrow News in Somali
Halaagii Dhacay Looma Kala Harin
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:24
Date:30-11-2008
SOMALI STARZ TEAM IN SEATTLE XAWAALADA IFTIN
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:81
Date:23-11-2008
Somali Army 70´s and 80´s
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:246
Date:13-11-2008
BEST NIIKO-WAA IDILAA
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:370
Date:13-11-2008
Ciyaarah Dhaqanka Somali, Oromo, Cafar
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:135
Date:13-11-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

What type of government should Somalia have?
 
How do you rate President Abdullahi Yusuf?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Jul 27 2008
Sheekh Shariif oo Ciidamada Itoobiya ku Eedeeyey Xasuuq
Written by Ali Moallim   
Sunday, 27 July 2008

Sheekh ShariifJabuuti,(insidesomalia.org)- Guddoomiyaha Isbaheysiga dib u Xoreynta Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh AXmed ayaa Beesha Caalamka ka codsaday in ay ku da”daalaan bixitaanka Ciidamada Itoobiya, islamarkaana Ciidamada ku eedeeyay in ay dhibaatooyin ka wadaan gobolo ka tirsan dalka Soomaaliya.

 

Guddoomiyaha Isbaheysiga dib u Xoreynta Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh AXmed oo la hadlayay  xubnaha golaha Dhaxe ee isbaheysiga dib u xoreynta ee ku sugan dalka Jabuuti  iyo xubno ka tirsan Safiirada Beesha Caalamka ee dalkaasi iyo Wakiil ka socday Qaramaa Midoobey ayaa waxa uu ugu baaqay in Beesha Caalamka ay ku da”daasho sidii ciidamada Itoobiya looga saari lahaa gudaha dalka Soomaaliya.

 

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ciidamada Itoobiya ku eedeeyay in ay bilaabeen  dhibaatooyin baahsan oo ka dhan ah Shacabka Soomaaliyeed,waxaan tusaale oo u soo qaatay dhibaatadii dhawaan ka dhacday magaalada Beled weyne ee xarunta Gobolka Hiiraan oo uu sheegay in hada bur burin ka wadaan.

 

Sheekh Shariif ayaa sidoo kale sheegay in Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya looga baahanyahay  in ay qeyb ka noqon bur burka dalka  iyagoo eegaya  xaalada ay ku sugan yihiin Shacabka  Soomaaliyeed  oo uu yiri,waxaa ka mid ah haweynka  iyo Caruurta Soomaaliyeed  oo mudo 19 bilood geedaha hoos jiifa  iyo tahriibayaasha Soomaaliyeed oo maalinwaliba ku dhimanayaan badaha  taasina Caalamka ay muhiim ka dhigeyso in la samaeeyo tanaasul fara badan,waxana sheekha uu Carabka ku adkeeyay in iyaga ay ka go’an tahay  in ay ka mira dhaliyaan hishiiskii Jabuuti oo uu sheegay in ay daba socon doonaan.

 

Sidoo kale gaba gabadii kulanka golaha Dhaxe ee isbaheysiga dib u Xoreynta Soomaaliya ayaa waxaa laga soo saaray qodbo dhowr oo u quseeya arimaha Soomaaliya,waxaana Saxaafada u aqriyay  Axmed Diiriye oo ka mid ah xubnaha golaha Dhaxe ee isbaheysiga dib Xoreynta Soomaaliya.

 

Hadaladaan ayaa  ku soo beegmayaa xili xubnaha Isbaheysiga dib u Xoreynta Soomaaliya qeybta Asmara  ay hogaan Cusub ay u doorteen Sheekh Xasan Daahir Aweys  iyo Mas’uul lagu magacaabo Shriif Saalax oo ay sheegeen in ay xilkii ka qaadeen Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Shariif xasan Sheekh Aadan iyadoo inta badan xubnaha golaha Dhaxe ay ku sugan yihiin dalka Jabuuti ayna taabacsan yihiin fikirka Sheekh Shariif oo ah  hanaanka daba galka dibb u hishiisiinta Soomaaliya.

 

 

 

 

 





 
Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >